Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka DFS ee Gal-gaduud

March 7, 2015 - Written by Editor

Al-Shabaab-afduubMaamulka degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo bandhigay Sarkaal ka soo baxsaday kooxda Al-Shabaab kaas oo isku dhiibay ciidanka DFS ee ku sugan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud. Taliyaha ciidanka amniga ee degmada Dhuusamareeb Mahad Khaliif Rooble ayaa warbaahinta kula hadlay saldhigga degmada Dhuusamareeb wuxuuna sheegay in sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Muxumed uu isku soo dhiibay ciidanka DFS kaas oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa miinooyinka iyo arrimaha sirdoonka.

Mahad Khaliif Rooble Taliyaha ciidanka amniga ee degmada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale xaqiijiyey in sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab ee isku dhiibay ciidanka DFS uu xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka Booliska ee degmada Dhuusamareeb .

Cabdullaahi Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la qalday uuna haatanna go’aansaday inuu isaga haro afkaarta guracan ee kooxda AlShabaab wuxuuna xusay in uu tababarro ku soo qaatay dalka Yemen kana howlgalay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa noqday tusbax furmay waxayna isku dhiibayaan ciidanka DFS xili ay gumaad u geysteen shacabka Soomaaliyeed waxaana cafis u fidiya madaxada DFS taas oo ka dhigaysa dhiiga Shacabka Soomaaliyeedee Muslinka ah mid raqiis ah .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online