Sh Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo lagu soo dhaweeyey Laascaanood.[Masawiro]

March 9, 2015 - Written by Editor

17Laascaanood:-Sh Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo dhawaan Shahaadada Diktoorada(PhD) ka qaatay Jaamacadda islaamiga ah ee Madiina, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool. Sh. Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa ka soo kicitamay Magaalada Buuhoodle ee xarrunta gobolka Cayn isagoo sheekha maanta duhurnimadii ay ku soo dhaweeyeen Culimada waawayn ee gobolka Sool oo uu ugu horreeyo Sh C/Naasir Xaaji Axmed , Sh Axmed Maxamed Sulayman gudoomiyaha Xafiiska Dacwada ee gobolka Sool .

Sh C.Rashiid Maxamaed Aw-Faarax Gudoomiyaha Golahaha Al-furqan , culimo kale ayaaa kaga hortegey meel magaalada Laascaanood u jirta qiyaastii 30 km dhinaca galbeed ee magaalada Laascaanood . Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil ayaa ka hawl gali doona Jaamacada Nugaal gaar ahaan Qaybta Sareecada , sidoo kale wuxuu shiikhu ka hawl geli doonaa hawlaha waxbarasho iyo dacwada ee gobolaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Diktoorku ka qaatay Shahaadada PhD ga Jaamacada Madina , isaga oo ku diyaariyaya Culuuumta Fiqhiga .

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online