Shiweyne looga hadlayo dhibka Qaadka oo beri ka furmaya Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaso

March 10, 2015 - Written by Editor

ka hortag qaadBoosaaso:-Waxaa maalinta beri ah ka furmi doona magaalada Boosaso gaar ahaan Hoolka weyn ee Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso shir weyne looga hadli doono Dhibaatada Qaadka iyo sidda xal looga gaari karo am loogana hortegi karo dhibaatada xooggan ee uu ku hayo bulshada.

Shirka ka dhici doona Hoolka weyn ee Jaamacadda bariga Afrika ayaa waxaa ka soo qayb geli doona culimo’udiin ganacsato aqoon yahan , maamulka Gobolka Bari, kan degmada iyo weliba maamulka Jaamacadda Bariga afrika.

Muss’adda Al-Minhaaj oo ay horkacayaan culimada ayaa gacan weyn ku siisay Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuuker Cawaale ”Qaad-diid” in uu si wanaagsan ugala hadlo bulshada dhibaatada qaadka isagoo lagu casumay goobaha kala ah Iskuulada , Jaamacaddaha , Masaajidda iyo goobaha kale ee bulshadu iskugu yimaadaan.

no images were found

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in Shirka ka dhici doona Hoolka weyn ee Jaamacadda bariga Afrika ay ka soo baxaan talooyin looga hortagyo Qaadka iyo dhibka uu ku hayo bulshada iyadoona shirka ay hadalo ka jeedin doonaa Maamulka Gobolka Bari , Masuuliyiinta Jaamacdda bariga Afrika, Culimada , ganacsatada iyo weliba Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuuker Cawaale ”Qaad-diid.”

Wixii ka soo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa haddii Alle idmo

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online