Tababar cilmiyeed oo loo qabtay Ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar Al-Casqalaani ee Bosaaso.[Masawiro]
March 31, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Tababarkan oo maalintii jimcada ahayd ka dhacay holka shirarka ee FTMS aya loo qabtay ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar Al- casqalaani ee Bosaaso oo iskugu jiray rag iyo dumar aad u tira badan. Dowradan oo maantay ka dhacday magaalada Boosaaso , gaar ahaan hoolka shirarka ee FTMS ayaa waxa isku soo duba riday dallada ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar Al- casqalaani , iyadoo ula jedka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ardayda ducaad ah ee ka baxday Machadka Ibnu xajar ee magaalada Bosaaso.
Ugu horayn waxa furay tababarka gudoomiye ku xigeenka dallada ardayda ka baxday machad ka ibnu xajar Cabdiqani Adam Cumar isagoo faah faahin ka bixiyay dowradaan iyo ula jeedda ay dalladu ka leedahay. Wuxuuna tilmaamay in ay tahay sidii loo heli lahaa arday u tababaran hawsha dacwadeed ay hayaan ,si loo gaaro guul dhinaca dacwada ah.
Intaa ka dib waxa furmay tababarkii, iyadoo maantay galinkii hore la qaatay labadii cashir ee ugu horaysay dowradaan, oo kala ahaa:-
الصحوة الإسلامية فى الصومال . 1
شيخ فارح محمد عجب
العمل الجماعى .2
شيخ عبد الشافى أحمد على
Isla galinkii danbe ee manta aya waxaa dhacday muxaadaradii sedexaad ee dowrada oo cinwaankeedu ahaa:-
القراءة المثمرة . 3
الشيخ محمد فاهية
Waxaa galabtay isna madasha kalmad aad u qiima badan so jediyay gudoomiyaha dallada ardayda ka baxday maacahida shareecada ee somaaliya ustaad Abdirahman Xasan Diiko. Ugu danbayntii ayaa waxaa tababar cilmiyeedkan soo xiray gudoomiye ku xigeenka mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo hormarinta ustaad Ciise Siciid Maxamed, isagoona aad ugu dheeraaday baahida loo qabo in tababaro noocan oo kale ah la siiyo dhamaan ardayda ka baxday machadka iyo ducaada magalada Bosaaso.
no images were found
Mu’asasada Al minhaaj ee dacwada
iyo hormarinta ee Boosaaso