Taliyihii cashuuraha berriga Mudug Duraan Cumar (Qaylo) oo qarax lagu diley
March 1, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Taliyihii ciidamada cashuuraha berriga ee gobolka Mudug Duraan Cumar Geelle (Qaylo) ayaa saaaka ku geeriyoodey qarax goor dhow loogu xiray gaarigiisa kaas oo ka dhacay magaalada Galkacayo gaar ahaan agagaarka xarunta shirkadda Golis.
Gaari la qarxiyey ayaa waxaa saarnaa kaliya Taliyaha cashuuraha berriga Mudug Duraan Cumar Geelle (Qaylo)waxaana ka soo baxaya warar kala duwan nooca qarax uu ahaa.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay Taliyihii cashuuraha berriga Mudug Duraan Cumar Geelle (Qaylo).
Amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa wanaagsanaa bilahan ka dib markii dowlada Puntland ay geysay ciidamo kala duwan kuwaas oo howlgalo ay sameeyeen ku qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo burcad kale oo amaan magaalada wax u dhimayey.
M_M Deeq
Halgan.net