Ugaaska Guud Ee Beesha Cali Xajiijle oo Shalay ku Geeriyoodey Magalada Dubai

March 12, 2015 - Written by Editor

tacsiALLA ha u Naxariistee Ugaas Xaaji Cabdi Ugaas Xaaji Axmed Naaleeye oo Shalay ku Geeriyooday Isbitaal ku yaal Isuga Emaaradka Carabta magalada Dubai kuna magac dheera (Ugaas Cabdi Buurte).

EEBE Ha u Naxariistee Ugaaska Beesha Cali Xajiijle ayaa ka mid ahaa Isimada Miisaanka iyo qadarinta ku lahaa Puntland,waxaana geeridiisa laga dareemay gudaha dalka iyo dibada.

Ehelada qaraabada iyo dadweynaha reer Puntland ee Ugaasku ka geeriyooday Samir iyo iimaan EEBE haka siiyo. waxa Allaah uga baryayaan inuu Ugaaska jannadiisa Fardowsa geeyo Amiin .

Ugaas ku waxaa uu dhashay magalada Bosaso Sanadkii 1935 waxaana la doortay Ugaas nimada 1992 waxaana lagu caleema saaray Magalada Bosaso Puntand waxaana uu ka mid ahaa gudigii shirkii Qardho 1995 sidoo kale waxaa uu kamid ahaa Gudigii isimada ahaa ee maamulayay shirkii lagu dhisay Maamulka Puntland 1998 waxaana uu ifka uga tagay 19 Qof iyo labo Xaas waxay sii dhaleen 120 Awlaad, Waxaana lagu wadaa in Aaskiisa maalinta khamiista la keeno Puntland Gaar ahaan Magalada Bosaso .

NB: Taariikhda oo dhamays tiran dib ayaan idiinku soo gudnim doonaa Insha Allah

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online