Wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland ee Istanbul oo furmi waayay

March 2, 2015 - Written by Editor

HeshiisIstanbul:-Iyada oo laga ambaqaadayo geeddi socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed lagana shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madax weynayaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sh.Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayna xubno ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.

Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah.

Waxaa nasiib darra ah in wafdi ka socda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guul darreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isaga oo la soo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya ma tali kara.

Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho. Arrintaasi waxay xad gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab dhaqanka caalamiga ah ee wadaxaajoodka.

Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddey nayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto.

Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda Soomaaliya si uu wadatashi ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wada hadalladani.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga marti gelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.

DHAMMAAD
Communications Department
Office of the Prime Minister

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online