Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka PL oo lagu soo dhaweeyey Rako-Raaxo.[Masawiro]

March 26, 2015 - Written by Editor

IMG_1311Rako-Raaxo:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. C/xakiim Xaaji C/llaahi Cumar Camey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo dhoweyn diiran loogu sameeyey magaalada Rako-Raaxo ee Gobolka Kar-kaar iyo deegaanada hoos taga, waxaana bulshada deegaanadaasi ay si weyn ugu riyaaqeen safarka wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji C/llaahi Cumar Camey.

Ujeedada safarka Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa salka ku haysa sidii Dawlad iyo bulshoba kaalin muuqata looga gaysan lahaa ama loo soo afjari lahaa colaadaha waqtiga dheer qaatay ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Muuse Saleebaan Iyo Cali Saleebaan oo wada degan deegaano ka tirsan Gobolada Kar-kaar iyo Bari ee Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa safarkiisa ku weheliya qaar ka mid ah golaha xukuumadda Puntland, odayaasha dhaqanka Puntland, culimaa’udiin iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland.

Waxaa sidoo kale safarka ka mid ah guddi isku dhaf ah oo loo xilsaaray inay xog rasmi ah ka keenaan dhibaatada beelaha walaalaha ah kala gartay isla markaana loo qalab qaato soo afjarida colaadaas iyo in nabad gelyo waarta la dhex dhigo beelahaas.

Bulshada kala duwan ee deegaanada ay wafdiga Madaxweynuhu tageen ayaa si rasmi ah u caddeeyey inay hormuud ka noqonayaan in colaada raagtay xal loo helo isla markaana ay beelaha walaalaha ah ku heshiiyaan nabad iyo in qoryaha la dhigo loona jeesto adkaynta walaaltinimada iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo wafdigiisa ayaa habeenimadii xalay u hoyday dooxada Kodmo gaar ahaana togga Gaal-Dile oo ka tirsan Gobolka Karkaar, waana goobta ay shirarku ka socon doonan maalmaha soo socda.

Sidoo kale waxaa maanta 26 March 2015 ka furmay deegaanka Dooxada Kodmo wajigii hore ee shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee coladdu dhex taallay, waxaana labada beelood ay si buuxda uga soo qayb galeen shirkaas iyagoo aqbalay in nabadda la adkeeyo hubkana la iska dhigo.

Guddiga dhex dhexaadinta labadaas beelood ayaa madasha shirka kasoo jeediyay wax yaalaha ay go’aamiyeen inta uu shirku socdo, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in beel kastaba ay fuliso taasoo ay labada beeloodna aqbaleen.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ilaa caawa ay arki doonaan ergooyinka labada beelood isla markaana ay wada hadal rasmi ah dhex dhigi doonaan labada dhinac si loo gaaro xal kama danbays ah.

Shirarkan lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee Muuse Saleebaan iyo Cali Saleebaan ayaa soconaya dhowrka maalmood ee soo socda, waxaana Dawlad iyo shacaba la go’aan saday in la damiyo dhibka labada beelood dhex yaallay mudada dheer.

no images were found

DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee
Madaxooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online