Wasiirka Warfaafinta DFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta
March 9, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta (UAE) Mohamed Al-Othman. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Imaaraadka ay u sii kordhin laheyd dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida Dowladda iyo shacabka dalkaas ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka. Wasiirka ayaa ka codsaday in Dowladda Imaaraadka ay Wasaaradda ka saacido horumarinta warbaahinta dalka.
Wasiirka ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida ay dhaawacii qaraxii Hotel Central ay ugu gurmadeen oo ay u fidiyeen gar-gaar caafimaad oo dalka Imaaraadka loo qaaday oo halkaas lagu daaweynayo.
Safiirka Imaaraadka Maxamed Al-Othman ayaa ballanqaaday in Dowladda Imaaraadka ay garab is taageyso Dowladda iyo shacabka, isla markaasna uu taageeri doono qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, si Soomaaliya ay u gaarto horumar ballaaran.
——DHAMAAD——-
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska,
media@moi.gov.so