Wasiirka Warfaafinta DFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta

March 9, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta (UAE) Mohamed Al-Othman. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Imaaraadka ay u sii kordhin laheyd dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida Dowladda iyo shacabka dalkaas ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka. Wasiirka ayaa ka codsaday in Dowladda Imaaraadka ay Wasaaradda ka saacido horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiirka ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida ay dhaawacii qaraxii Hotel Central ay ugu gurmadeen oo ay u fidiyeen gar-gaar caafimaad oo dalka Imaaraadka loo qaaday oo halkaas lagu daaweynayo.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Al-Othman ayaa ballanqaaday in Dowladda Imaaraadka ay garab is taageyso Dowladda iyo shacabka, isla markaasna uu taageeri doono qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, si Soomaaliya ay u gaarto horumar ballaaran.

——DHAMAAD——-
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska,
media@moi.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online