Weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay inta u dhexeysa Baardheere iyo Diinsoor

March 12, 2015 - Written by Editor

shabaabDiinsoor:-Wararka naga soo gaaray Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ay weerar la bartil maamsatay gaari la sheegay in ay la socdeen saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab. Weeraraan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay tuulaha Abaa Haluul oo u dhexaysa magaalooyinka Baardheere iyo Diin soor xili ay halkaas marayey gaariga la bartil maamsaday, warar horhdac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in gaari la duqeeyey uu saarnaa Sarkaal lagu magacaabo Aadan Garaar oo ka tirsan Amniyaatka Al-shabaab.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda Al-shabaab oo ku saabsan sarkaalka la sheegay in la duqeeyey balse waxaa dhowr jeer oo hore weeraro dhinac cirka ah lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online