Xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya oo xalay lagu dhaawacay Nairobi.
March 22, 2015 - Written by EditorNairobi:-Sida uu qoray wargeyska ka soo baxa dalka Kenya ee Daily nation ayaa waxaa dhaawac loo geystay bartamaha magaalada Nairobi gaar ahaan Degmada degmada Karen Edick Anyanga ooo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya .
Weerarka lagu dhaawacay Edick Anyanga ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka gurigiisa ooo ku yaal wadada Ngong ee degmada Karen waxaana weerarka geystay afar nin oo ay majiyada u qarsan yihiin.
xildhibaan Edick Anyanga ayaa waxaa uu dhaawac ka gaaray qaarka sare ee jirka waxaana dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Aga Chan ee magaalada Nairobi.
Saraakiisha amaanka ee magaalada Nairobi ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahiyaan qaabkii uu u dhacay weerarka balse waxay sheegeen in ay baaritaano wadaan oo ay ku raadjoogaan dhowr ruux oo laga shakisan yahay.
Halkan ka Akhriso warbixinta uu ka qoray Wargeyska Dailynation dilka Edick Anyanga
A/Cawale
Halgan.net