Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan oo lagu aasay magaalada Garoowe.[Masawiro]

March 21, 2015 - Written by Editor

SAWIRADA-AASKA-8Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-3-2015 ka qeyb-galay aas qaran oo qubuuraha caasimada Puntland ee Garoowe loogu sameeyey Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan oo loo yaqaanay Siciid Agandi kana mid ahaa Mudanayaasha Golaha wakiilada Puntland.

Aaska qaran ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, gudoomiye ku xigeenada gudoonka Baaralamaanka Puntland, wasiiro katirsan xukuumada Puntland, xildhibaano, waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada qayba heeda kala duwan ee ku nool caasimada dawladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaan Siciid Agandi alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana uu ka siiyo eheladii, asxaabtiisi iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
” Waxaan u tacsiyeyeeynayaa guud ahaan umadda reer Puntland gaar ahaana waxaan rabaa inaan tacsi uga diro Baarlamaanka iyo gudoonkooda oo uu xildhibaanku si gaar ah uga tirsanaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Xildhibaan qaran ayuu ahaa dhammaanteena waa inaga geeryooday, qoyskii uu ka geeriyoodayna waxaan leeyahay samir iyo iimaan buuxa ilaahay ha idinka siiyo, wax kheyr qabana dhammaanteena Allaha inoogu badalo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Marxuum Xildhibaan Siciid Maxamed Agandi ku tilmaamay inuu ahaa nin dhalinayaro ah oo firfircoon kana tirsanaa gudiga joogtada ah ee Baaralamaanka Puntland.

Allaha unaxariiste Marxuum Siciid Maxamed Cismaan ayaa maanta gelinkii hore ku geeryooday Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo uu mudooyinkii u dambeeyey ku xanuusanaa.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacy-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online