Abdul Malik Jones oo ka tirsanaa Al-shabaab oo iska dhiibay Baraawe oo Muqdisho la keenay
December 9, 2015 - Written by EditorBaraawe:-Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab ahna Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo isku dhiibay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baraawe ayaa saaka waxaa la keenay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Sarkaalkaan Maraykanka ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Abdul Malik Jones waxaan uu mar uu la hadlay warbaahinta uu sheegay in nolashisa ay gashay khatar uuna ka baqay in Amniyaadka Al-shabaab ay dilaan ka dib markii xubno ka mid ahaa Al-shabaab ee sheegtay in ay ku biiraan ururka Daacish la khaarajiyey.
Maalmihii u danbeeyey ayaa saxaafadda Soomaalidu qaarkod waxaa ay ka faaloonaysay dilal iyo iska horimaadyo ku dhex maray deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaiya ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab iyo xubno horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab oo ku biiray ururka Daacish taas oo sababtay Khilaaf iyo gacan ka hadal.
Ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay Sarkaalkaan Maraykanka ah ee ka goostay Al-shabaab iskuna dhiibay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee u sugan degmada Baraawe walow saaka loo duuliyey magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net