Golaha wasiirada S/land oo go’aamiyey in Baasaboor laga rabo dadka Soomaaliyeed.[Cod/Video]
December 28, 2015 - Written by EditorHargeysa:-Kulan gaar ah oo maalmahaan u socday golaha Wasiirrada S/land ayaa waxa ay ka soo saareen go’aanno ka kooban ilaa 7 qodob oo saameynaya isku socodka deegaamada ay maamulaan maamulka S/land iyo gobollada Koonfurta Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa lagu go’aami yey in qof kasta oo reer S/land ah oo Koonfurta Soomaaliya u safraya uu qaato Baasaboorka Somaliland oo aysan ilaa hadda aqoonsanayn dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kale oo Golaha wasiirada S/land ay hoos u dhigeen qiimaha lacagta laga qaadi jiray qofka sita Baasaboorka Soomaaliya ee tegaya S/land.
golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ku amray xawaaladaha lacagta, shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta iyo meheradaha ganacsiga in aysan u adeegi karin qof aan sidan aqoonsiga S/land waxaan go’aamadaan ay dhaqan galayaan 1-da bisha January ee sanadda 2016.
Hoos ka Daawo Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada S/land Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) oo akhrinaya go’aamada
Hoos ka Dhagayso Weriyaha VOA Barkhad Kaariye oo go’aamadan ka wareystay Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).
M_M_Deeq
Hagan.net