Guddoomiyaha DFS ”cidna ma bixin karto Dhismihii hore Ex-Baarlamaan
December 21, 2015 - Written by EditorGuddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dhismaha Xarunta Ex-Baarlamaan oo gudoomiyaha gobalka Banaadir ku wareejiyey ganacsato.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uusan u oolin Ganacsato dhismaha Ex Baarlamaankii hore ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamanka DFS ayaa xusay in golaha shacabka ay u saareen Arrinta Ex-Baarlamaan gudi si ay u soo qiimeeyaan qarashka ku baxaya dhismaha Ex Baarlamaankii hore ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa 11-kii Bishaan sheegay in Maamulka Gobolka uu Heshiis la galay mid kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed si uu u dhiso Xarunta Ex-Baarlamaan taas oo buuq badan dhalisay.
A/Cawale
Halgan.net