Hogaamiyaha Jeyshul islaam ee Zahraan Caluushi oo duqeyn lagu dilay (Daawo)
December 25, 2015 - Written by EditorWararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in uu duqeyn cirka ah ay diyaaradaha dalka Ruursha ku dileen alaha u naxariistee Sheekh Zahraan Caluushi oo ahaa Hogaamiyaha Jeyshul islaam kaas oo dagaal adag kula jiray mudo dheer nidaamka nuseyriga ee Bashaar Asad.
Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Alghudah bari halkaas oo ay kulan ku lahaayeen saraakiil ka tirsan Jeyshul islaam iyo Sheekh Zahraan Caluushi .Waxaa kale oo Duqeynta cirka sidoo kale ku dhintay Afhayeenkii Jeyshul islaam iyo saraakiil kale.
Warbaahinta kooxaha Khawaarijta ayaa aad ugu farxay dilka Sheekh Zahraan Caluushi oo in badan cadeeyey lunsanaanta kooxha ku aafeysan gaaleysiinta lana shaqeysta gaalada kuwaas oo curyaamiyey Jihaadka lagula jiro kooxaha shiicada iyo nidaamka Nuzeyriyada ee gumaadka ku haya muslimiinta dalka Suuriya.
Hoos Ka Daawo Sheekh Zahraan Caluushi oo si adag uga hadlay kooxda Daacish iyo sharkooda
Hoos ka Daawo Sheekh Zahraan Caluushi خطوة || العدوان الروسي يغتال زهران علوش ولكن ” الله غالب
Hoos ka Daawo لماذا بكى زهران علوش ؟!
C/Casiis Maxamed
Halgan.net