Kulan ay iskugu yimaadeen ducaada Maraakizta Ingriiska oo ka dhacay magaalada London.[Masawiro]

December 28, 2015 - Written by Editor

IMG-20151229-WA0001London:-Waxaa magaalada London maanta ka dhacay kulan ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Irshaad ee Dacwada iyo Horumarinta Bulshada ee UK. Shirka waxa isugu yimid inta badan Masaajidda iyo Maraakizta Soomaaliyeed ee UK iyo weliba Ireland, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliinta xarumahaas, culumo iyo waxgarad bulshada matalayey.

Kulankan oo ka dhacay Hall-ka shirarka ee masjidka al-Risaalah ayaa waxaa ka soo qayb galay in ka badan 20 masjid oo ka kala yimid magaalooyinka waaweyn ee UK sida; Birmingham, Manchester, Leiscester iyo weliba magaalada Dublin ee Ireland waxaa iyana shirka ka soo qayb-galay maraakizta dhinacyada kala duwan ee magaalada London.

Shirkan oo daba joogey dhowr kulan oo horay loo qabtay ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

1. Sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga xarumaha iyo masaajidda dhexdooda iyo weliba xarumaha iyo bulshada ay u adeegayaan.

2. Waxaa la soo bandhigay buug ka hadlaya (Shiicada iyo Sidii Caqiidadooda la isaga ilaalin lahaa). Buugan oo uu diyaariyey Prof.Cabdirazaaq Hiirad Maxamed oo isaga horay loogu xilsaaray diyaarintiisa, ayaa wuxuu qayb ka ahaa qorshe looga hortagayo Shiicada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka dhex wadaan bulshada Soomaaliyeed ee UK iyo meel walba.

3. Waxaa warbixin qorshaha Shiicada ku saabsan soo jeediyey sh Axmed Jibriil oo isago hoggaaminayey hawshaasi.

4. Waxaa lagu casumay madaxa Jaamacadda Diraasaadka sare ee Markfield Prof Zahid Parves oo isna soo jeediyey lecture aad loogu bogey oo ka warramay caqabadaha horyaalla Muslimiinta UK iyo Europe ee u baahan in la iska kaashado sidii loo wajihi lahaa sidoo kale waxaa uu Sh.Zahid soo jeediyey talooyin qiima badan iyo su’aalo jawaab u bahaan.

5. Hawl-kooxeedyo (workshops) saddex ah oo masuuliintu ay galeena waxaa looga dooday:-

a)- Sidii masaajiddu u yeelan lahayd iskaashi dhab ah iyo wada shaqayn.

b)- Dhallinyarada iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka horyaalla loona soo gaarsiin lahaa heer ay iyagu u hanan lahaayeen hoggaaminta bulshada iyo masaajiddaba.

c)- Sidii sare loogu qaadi lahaa cilmi barashada masaajidda dhexdeeda ama xalaqaatka iyo duruusta.

6. Kulanka waxaa lagu soo jeediyey qorshihii sannadka soo socda ee 2016 oo lagu ballamay wada shaqayn iyo xidhiidh dhow kulanku waxaa uu ku soo gabo gaboobay jawi aad u wanaagsan oo ay ka muuqato fir-fircooni.

no images were found

Mu’ssadda Irshaad
London, UK

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online