Madaxweyaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe

December 25, 2015 - Written by Editor

IMG_0079Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa Saaka hiirtii waa beri kasoo jarmaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo kusoo jeeda magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.  Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intii uu jidka kusoo jirey wuxuu kusoo hakaday Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal halkaas oo uu kusooodhweeyeen Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Maamulka Degmada Burtinle, Cuqaal iyo Waxgaradka Deegaankaasi oo uu kala hadlay Mashaariic horumarineed oo dawladdu ay kawado Degmada Burtinle.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo indha-indheeyey xirmooyin ay maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Burtinle iyagoo iskaashanaya ka-baneeyey dadkii xirmaystay iyo waddooyin laga hirgeliyey magaalada Burtinle isagoona xadhigga ka jaray qaybo kamid ah waddooyinkaasi.

Madaxweyn Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa intaasi kadib isagoo safarkiisa sii wata usoo gudbey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland Waxaana si diiran halkaasi ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi, golayaasha dawladda Puntland iyo dadweyne kaloo aad u tira badan kuwaas oo aan u kala hadhin soo dhoweynta Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib loo soo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay, waxaana uu ka-warbixiyey Safaradii muddada bisha kudhow qaatay ee uu ugu maqnaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho isagoona ugu horrayn uga mahadceliyey shacabka reer Puntland iyo Dawladdoodaba sida aan kala harka lahayn ee uga qayb qaateen soo dhoweyntiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tibaaxay Magaalada Gaalkacyo in ay kajirto nabadgelyo buuxda oo laysku hallayn karo dadkii kasoo barakacayna ay ku laabteen guryohoodii waxbarashadii iyo ganacsigiina uu halkiisii kasii bilowday, wuxuu sidoo kale madaxweynuhu ka-warbixiyey mashaariicdii horumarineed ee dawladdu ka fulisey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo uu ku tilmaamay in ay ahay guulo wax ku ool ah usoo hoydey shacabka Reer Puntland ee kudhaqan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ka-warbixiyey safar shaqo oo in kabadan toban casho qaatay oo uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga qayb gelayey shirarkii looga hadlayey Mustaqbalka Soomaaliya iyo Geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in isaga iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo shirarkaasi Puntland uga qayb galay in ay halkaasi ka sheegeen aragtida shacabka Puntland ee ku qotonta doorashooyinka 2016, isagoona xusay inay madasha ka sheegeen 4.5 oo markale dalka dib loogu celiyo inay kadhigan tahay heshiisyadii dalka oo la baalmaray taasina ay dhalin karto dib udhac weyn oo dalka markale ku yimaadda.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online