Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
December 21, 2015 - Written by EditorHiiraan:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu ballaadhan ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Odawaa, Wasiirka dhalinyarada , Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamanka Federaaka oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa u jeedkiisu tahay in kulamo uu la soo qaato odayaasha dhaqanka si gogol xaar loogu sameeyo maamulka dhawaan loo dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo khilaaf soo jiitamayey uu u dhexeeyo beelaha dega labadaas Gobol qaar kood.
Dhinac kale wafdiga Madaxweynaha ayaa doonaya in ay kulamo gaar ah la yeeshaan odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo ka hor yimid shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe in lagu qabto degmada Jowhar ee gobolka Shabeedlada Dhexe.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa hareeyey dagaalo joogta ah oo ka dhex socda beelaha wada dega gobolka Hiraan taas oo lagu sababeeyey khilaafka u dhexeeya beelaha kuna saabsan in shirka maamul u samaynta lagu qabto Gobolka Hiiraan iyo in kale taas oo ugu danbayn sababtay in shirka loo weeciyo magaalada Jowhar.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa waxaa uu gudoomiye cusub u soo magacaabay gobolka Hiraan waxaan xilka gudoomiyaha loo magacaabay Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo horay dhowr jeer u soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
A/cawaale
Halgan.net