Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

December 21, 2015 - Written by Editor

XassanHiiraan:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu ballaadhan ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Odawaa, Wasiirka dhalinyarada , Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamanka Federaaka oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa u jeedkiisu tahay in kulamo uu la soo qaato odayaasha dhaqanka si gogol xaar loogu sameeyo maamulka dhawaan loo dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo khilaaf soo jiitamayey uu u dhexeeyo beelaha dega labadaas Gobol qaar kood.

Dhinac kale wafdiga Madaxweynaha ayaa doonaya in ay kulamo gaar ah la yeeshaan odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo ka hor yimid shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe in lagu qabto degmada Jowhar ee gobolka Shabeedlada Dhexe.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa hareeyey dagaalo joogta ah oo ka dhex socda beelaha wada dega gobolka Hiraan taas oo lagu sababeeyey khilaafka u dhexeeya beelaha kuna saabsan in shirka maamul u samaynta lagu qabto Gobolka Hiiraan iyo in kale taas oo ugu danbayn sababtay in shirka loo weeciyo magaalada Jowhar.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa waxaa uu gudoomiye cusub u soo magacaabay gobolka Hiraan waxaan xilka gudoomiyaha loo magacaabay Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo horay dhowr jeer u soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online