Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo (Dhageyso)

December 18, 2015 - Written by Editor

axmedKismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe )ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha J/land Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil,waxgarad ,Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka J/land.

Madaxweynaha J/land ayaa markii uu tagay magaalada Kismaayo waxaa uu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Xamar lagu lafo guri doono shirka lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10-ka bisha Janaayo .

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay nabadeyntii colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in guul laga gaaray isaga oo sheegay in Isimada Puntland ay dowr weyn ka qaateen nabadeynta magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha J/land ayaa sidoo kale ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka gobalka Hiiraan in loo istaago soo afgarida colaada ka soo cusboonaatay magaalada B/weyne.

Hoos Ka Dhageyso Shirjaraa,id uu Madaxweynaha J/land ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose


Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online