Madaxweynaha Puntland iyo Galmudug oo kulmay iyo Ciidamada la kala qaaday (Masawiro)

December 5, 2015 - Written by Editor

IMG_4628Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka Dec-5-2015 Xaafadda Wadajir ee Magalaada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug kaga qayb galay quraac sharafeed uu u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Quraacda ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubba-land, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Galmudug, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, saraakiisha ciidamada labada dhinac, iyo Culimaa’udiinka Magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka quraacda ayaa ahaa sidii loo samayn lahaa isdhexgal siyaasadeed iyo mid bulsho oo abuura jawi nabadeed iyo xasilooni maadaama ay magaalada ka aloosanaayeen maalmihii u dambeeyey dhiilooyin colaadeed iyo shaqaaqooyin sababay khasaare nafedeed, mid maal iyo barakac bulsho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay madaxweynaha dawladda Puntland sida kalsoonida leh ee uu ugaga soo horeeyey is dhexgalka iyo socdaalkii nabadeed ee uu madaxweynaha Puntland kusoo Maray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Galmudug.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa geestooda tibaaxay qiimaha uu leeyahay isdhexgalka bulshada iyo midka siyaasadeed iyo weli sida uu jewi xasiloon ugu soo dabbaali karo bulsho ay shaqaaqo ka dhex dhacday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdierli Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna uga Madahad celiyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug casumaadiisa sharafta leh ee uu uga gollahaa is dhexgalka bulshada iyo kan siyaasadeedba, waxaana uu xusay sida ay calaamad ugu tahay geba-gebada colaadii beryahan ka aloosnayd Gaalkacyo.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale qada sharafeed u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug, islmar’ahaantaana waxaa kasoo qayb galay qado sharaftaasi Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubba-land, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Galmudug, taliyaha ciidanka xoogga dalka, daraakiisha ciidamada labada dhinac, iyo culimaa’udiin.

Dhammaan Madaxdii Kasoo qayb gashay munaasibadii qado sharafta ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dawladda Puntland sida uu diyaarka ugu yahay in nabad la qaato welibana lasoo afjaro shaqaaqadii dhowaan kadhacday Magaalda Gaalkacyo iyo sida uu ubilaabay barnaamijka isdhexgalka bulshada iyo ka siyaasadeedba.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdierli Maxamed Cali Gaas oo kelimado kooban ka jeediyey munaasibadda qado sharafta ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii loo dardar gelin lahaa isdhexgalkan maanta labilaabay isagoona ugu baaqay dhammaan dadkii ka bara kacay shaqaaqooyinkii dhowaan kadhacay magaalada gaalkacyo inay dib ugu soo laabtaan magaalada.

–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online