Muftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani oo laga waraystay weerarkii ka dhacay Paris. [Daawo]

December 6, 2015 - Written by Editor

maxresdefaultWaxaa Tv-ga Al-Jazeera qaybtiisa Ingriiska uu waraysi la yeeshay Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani isagoo ka waramay weerarkii lagu qaaday dalka Faransiiska oo ay sheegteen ururka Daacish, wax sababay in ay dhalinyaro muslimiin ah ay weeraro ka fuliyeen dalalkooda iyo kuwa kale ee reer Galbeedka.

Muftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa xusay in siyaasada reer Galbeedka ee ku wajahan dalalka Muslimiinta gaar ahaan Falastiin ay abuurtay cadaawad xooggan in ay qaadaan dhalinyaro badan oo Muslimiin ah ka dibna ay fuliyeen weeraro aysan u meel dayin oo ay ku dhintaan dad rayid ah weeraradaas oo ka dhaca dalalka reer Galbeedka iyo kuwa Muslimiinta ah arrinaas oo uu tilmaamay in aysan sax ahayn.

Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waraysigiisa ku sheegay in falal badan oo ay fuliyeen ururka Al-qaacid iyo Daacish uusan ku waafaqsanay ka dib markii falalkaas ay ku dhinteen sidda uu xusay dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay u aasaasmayaan kooxahaan ay tahay duruufaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin shacabka Muslimiinta ee ku nool dunida daafaheeda.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waxaa uu sheegay in uu ku biiray ururka Al-qaacid ka dib markii ciidanka Ruushka ay qabsadeen dalka Afgaanistaan taasna ay sababtay in ay la galaan ciidanka Ruushka dagaal daba dheeraaday oo ciidankii Ruushka siiyey darsi lama ilaawaan ah. Halkaan ka eeg waraysiyo hore ee uu siiyey Al-jazeera

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa mudo 10 sano ah waxaa uu ku xirnaa xabsi ku yaal dalka Iran ka dibna waxaa loo so gacan geliyey dalka Muritaaniya ee uu ka soo jeedo haddana uu ku nool yahay.

Hoos ka Dhagayso waraysiga uu Tv-ga Al-jazeera uu siiyey Abu Hafsa Al-Muritaani

Source :Al-Jazeera.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online