Nadwadii Ka socotay Garowe Oo Gashay Habeen Kii 3-aad +Su,aalo (Daawo)
December 22, 2015 - Written by EditorNadwada oo gashay habeenkeedii 3-xaad ayaa caawa halkudhegeedu ahaa(سكرات الموت) waxaana soojeediyay Sh.C/rashiid Maxamed Ismaaciil waxaana sheekhu bulshada xasuusiyay geerida iyo dhibka ay leedahay waxaana sheekhu tusaaleeyay sida ay ugu baasaan imtixaanka dadka Rumaysan الله سبحانه وتعالي iyo dhibka ay maraan dadka aan mu’minnta ahayn .
Waxaa kaloo Sheekhu kudheeraaday qabriga iyo In uuyahay halka qofku uu ku sugnaanayo mudo isaga oo faraxsan ama ciqaaban waxaana Sheekhu Allah Kabaryay In uu naganabad galiyo ciqaabta Qabriga .
Dhamaan Dadweynihii Iyo Mas’uuliyiintii Caawa kusugnaa Masjidka Weyn Ee Al-huda Magaaladda Garowe ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida ay uga murugaysan yihiin Howsha Adage e kajirta waxaana moodaa in qofwalba udiyaar garoobay sidii uu ubadbaadi lahaa.
Intaaskadib waxaa lagalay qaybtii labaad ee Su’aalaha waxaana caawa kajawaabayay Labada Sheekh ee kala ah Sh.Daahir Aw Cabdi Iyo Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Ku horeeyay Sh Daahir Aw Cabdi waxaana labada sheekhba lasoo weydiiyay Su’aalo Dhowr Ah kuwaas oo Labada Sheekh ay uga jawaabeen Dhamaan Su’aalihii Ay qabeen Bulshadu waxayna Su’aaluhu Caawa Ubadnaa yeen Kuwo aad Muhiim ugu ah Bulshada muslimkaa in ay ogaadaan waxayna ubad naayeen kuwa kahadlayaya Dhanka Kooxaha Lunsan.
no images were found
Isku soo wada duuboo nadwadaan ayaa waxbadan kabadalan kuwii hore waxaana masjidka Al-Huda laga dhareemayaa Buuxdhaaf Bulshada kafaaiidaysanaya Kuwaas oo iskugu jira Rag iyo Dumar halka kumanaankale ay kalasocdaan qaybaha warbaahinta oo sitoos ah u tabinaysa Dhanka daafaha Caalamka waxaa sitoos ah looga faa iidaysanayaa Halgan.net waxaana loo balan san yahay habeen danbe iyo Muxaadaradii Sadaxaad waxaana Soo jeedin doona Sh.Cabdi Naasir Xaaji .
Hoos ka Daawo Nadwadii ka socotay Garoowe oo gashay Habeenkii 3aad iyo culumada oo su,aalo ka jawaabay
Nuur Jaamac Aadan.
Al-Minhaaj Puntland