Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka bilaaban doonta magaalada Garoowe

December 17, 2015 - Written by Editor

Nadwada-8aad-December-2015Garoowe:-Mu’asasada Al-Minhaaj xafiskeeda gobolka Nugaal waxay ogeysiinaysaa dhamaan walaalaha khayrka Jecel ee ku nool dalka Soomaaliya dibadadiisa iyo gudahiisa gaar ahaan magaalada Garoowe in ay ka bilaabanayso Nadwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd sanadkii 8aad waxaana ka qayb qaadan doona culimo Soomaaliyeed oo ka imaan doona gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Mu’assada Al-minhaaj waxay u balan qaadaysaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed in ay si toos ah uga faa’ iidaysan karaan Maqal iyo Muqaal iyaga oo ka daawan doona website kala duwan gaar ahaan www.Halgan.net ama www.alminhaaj.com

Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada dowladda Puntland ayaa tabin doona dhamaan muxaadaradka ka bixi doona Nadwo cilimyeed ka bilaaban doonta magaalada Garoowe iyo duruusa kala duwan oo ay culimada bixin doonaan.

Hoos ka eeg Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka bilaaban doonta magaalada Garoowe

no images were found

Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play haddii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android haddii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin

Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

 

Wixii faah faahin ah kala xiriir

Tell: 00252907723014 ama 00252907721119 ama 004531403016
Mahad oo dhan Allaha bay u sugnaatay
Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Halgan.net

Maamulka Radio Halgan Live

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online