Nadwo Cilmiyeedkii 8-aad oo xalay ka bilaabatay magaalada Garoowe (Masawiro)

December 20, 2015 - Written by Editor

10Mu’asasada al-Minhaaj faraceeda magaalada garowe, ayaa bilowday habeenimadii axadda ahayd, taariikhduna ku aadanayd 19-Dec-15 nadwo cilmiyeedkii 8-aad, Nadwadan oo ah mid la qabto sanadkiiba mar, oo aalaaba ay kasoo qayb galaan culumada soomaaliyeed kuna baraarujiyaan shacab weynaha soomaaliyeed, ayaa ka bilaamatay magaalada Garowe, waxaana qaban-qaabada nadwada iyo fulinteedaba leh mu’asasada al-Minhaaj Garowe.

Nadwadan oo mu’asasada al-Minhaaj ugu magac dartay(من دار الغرور الى دار القرار), waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda dawladda Puntland iyo culumo soomaaliyeed oo ka kala yimi dhamaan gobollada soomaaliya.

Ugu horrayn furitaankii nadwadan waxaa ka hadlay gudoomiyaha mu’asasada al-Minhaaj faraceeda Garowe Sh. Mukhtaar Axmed Faarax, waxa uuna gudoomiyuhu xusay in nadwadooyinkan ay tahay mid looga bartay in ay qabato mu’asasadu, ayna noqon doonaan –hadduu alle idmo- kuwo taxane ah oo sanadkiiba la qabto hal mar, waxa uuna tilmaamay gudoomiyuhu in ay tahay lagama-maarmaan wacyin galinta bulshada, waxa uu gudoomiyuhu kusoo afmeeray hadalkiisa in ay mu’asasadu heegan u tahay mar kasta in ay daboosho baahiyaha diimeed ee ay bulshadu qabto –inta ay ka awooddo-.

Duqa dagmada Garowe Xasan Maxamed Goodir ayaa kamid ahaa madaxdii ka hadashay furitaanka nadwo cilmiyeedkan, waxa uu xusay gudoomiyuhu in ay muhiim tahay wacyi galinta bulshada qaybaheeda kala duwan, waxa kale oo gudoomiyuhu xusay in ay ku tallaabsan doonaan gudoonka degmadu siday uga hortagi lahaayeen dhaqamada xun xun ee ku dhex baahay bulshada, waxa uu carrabaabay gudoomiyuhu in ay diideen dhaqanka baryahan danbe soo shaac baxay oo ah in dumarku ay fuulaan gaadiidka loo yaqaan “Bajaaj” ama “Dhug-dhugley” shirkeeda hore, maadaama ay ka dhalan karto fasaad dhanka diiniga ah ( اختلاط الرجال بالنساء ), waxa uuna gudoomiyuhu ku adkeeyey ciddii diida amarkaas in la marsiin doono ciqaab waafaqsan danbigiisa.

Waxa kale oo ka hadlay furitaanka nadwo cilmiyeedkan, wasiirka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo awqaafta Saalax Xabiib Jaamac, waxa uuna tilmaamay wasiirku in ay soo dhawaynayaan ka xukuumad ahaan furitaanka nadwadan, wacyi galinta bulshaduna ay tahay midda kaliya ee loo baahan yahay waqitagaan, maadaama uu soo batay fasahaad dhan dhaqan iyo dhan diimeedba, waxa uu wasiirku uga mahad celiyey mu’asasada al-Minhaaj hawsha ay u taagantahay ee ah faafinta dacwada iyo horumarinta bulshada, waxa kale oo wasiirku shacabka ka codsaday in ay noqdaan dad u dhiifoon wadankooda, kana ilaasha wax kasta oo wadanka dhib u keeni kara, lana shaqeeyaan laamaha dawladda qaybaheeda kala duwan.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah sheekha magaalada Garowe ayaa ka hadlay furitaankii nadwo cilmiyeedkan, waxa uu sheekhu tilmaamay muhiimadda ay leedahay nadwadan, iyo inay tahay mid loo baahanyahay waqtigan la taagan yahay.

Kadib furitaanka nadwada, waxaa si toos ah u bilaamatay muxaadaradii koowaad ee nadwada, muxaadaraas oo cinwaankeedu ahaa (قيمة الدنيا وحقيقتها في الاسلام) , waxaa soo jeediyey muxaadaradaas Sheekh C/qani Qorane Maxamed, waxa uu sheekhu faah-faahiyey sheegayna aduunyada iyo xaaladaheeduba inaysan qiimo lahayn marka loo barbar dhigo waxa yaalla aakhiro, tusaalayaal, daliillo iyo cashar dheer kadib muxaadaradii koowaad ee nadwada ayaa bartaas lagu soo afmeeray.

no images were found

Goobta nadwadu ka bilaamatay ayaa ahayd goob aad loo soo camiray gudaheeda iyo banaankaba, waxay ka dhacaysay nadwadu masjidka al-Huda Garowe, Dabakha hoose waa soo buux dhaafiyey rag, dabakha labaadna dumar ayaa soo camiray, halka dabakha sadexaadna ay cod-baahiyaha (Radio) Al-Xikma ay si toos ah ugu tabinaysay nadwada, banaanka iyo hareeraha masaajidka waxaa camiray dumar ay ka buuxsantay qaybta dhexe ee masjidka, waxay ahayd nadwadani mid la sugayey oo xiiso badan loo hayey, taasina waxay cadaynaysaa sida ay bulshadu u jeceshahay samaha iyo wanaagga.

Nadwada ayaa waxaa si live ah uga dhageysan dooontaa Radio Halgan Live iyo Radio Xikma.Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa tabin doona Nadwada 8aad ee xalay ka bilaabatay magaalada Garoowe .Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada .

Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin

Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Maamulka Radio Halgan Live

Xafiiska Warbahinta Mu’asasada Alminhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online