Nadwo cilmiyeedkii diiniga ahaa oo ka socotoa Masjidka Al-hudaa ee Garoowe oo gashay habeenkii 3aad.

December 21, 2015 - Written by Editor

IMG-20151221-WA0010Waxaa Habeenkii 3aad si habsami leh uga socda Masjidka Al-Huda ee magaalada Garoowe Nadwo cilmiyeedkii 8aad waxaana nadwada soo qaban qaabisay Mu’asasada al-Minhaaj faraceeda magaalada Garoowe waxayna bilaabatay  19-Dec-15 iyadoo Nadawadaan oo kale la qabto sanadkiiba mar. Nadwadan oo mu’asasada al-Minhaaj ugu magac dartay(من دار الغرور الى دار القرار), waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda dawladda Puntland iyo culumo soomaaliyeed oo ka kala yimi dhamaan gobollada Soomaaliya.

Nadwada Caawa ayaa waxaa muxaadarada uu ugu magacdaray الموت وسكراته والقبر نعيمه وعذابه   jeedinaya Sheekh c/raahiid M. ismaciil. Waxaa nadwada si live u tabinayey Radio Halgan Live iyo Radio Xikma oo u taagan mar walba in ay faafi yaan khayrka iyo nadwooyinka culumadeena ku qabtaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa tabin doona Muxaadarada uu jeedin doono Sh Maxamed Cabdi Umal oo socdaal dacwo ku jooga dalka Tanzania ,Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada .

Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin 

no images were found



Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

N:B Radio Halgan Live waxaa cilad Farsamo ka jirtaa Masjidka Al-Huda ee Garoowe waxaana cilada hagaajinteeda gacanta ku haya Musasat Al-Minhaaj

Maamulka Radio Halgan Live

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online