Nasiib Daro Dagaal dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo

December 3, 2015 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay iska horimaad hubeysan oo maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug maalin ka dib markii madaxda Puntland iyo Gal-Mudug ay saxiixdeen heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa RW Cumar Cabdirashiid iyo Beesha Caalamka.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo labadiisa dhinac ayaa waxaa madaafiic waxaa ku hogaaminaya arxanlaawayaal mooryaan ah oo aan dan ka lahayn dhiiga shacabka iyo hantidooda waxaana kuwa fulinaya ajandooyin qarsoon.

Iska horimaadka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa uu ku soo aaday iyada oo ay magaalada ku sugan yihiin R/W DFS , madaxda maamullada Jubaland iyo Koonfur-galbeed ,culuma,udiin iyo xubno ka socda Beesha Caalamka .

Dagaalka Fitnada ah ee ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa sii hurinaya colaada dadka walaalaha ah ee oodwadaag ah  waxaan alle ka baryeynaa in alle uu kala badbaadiyo dhiiga muslinka ee micno darada ku daadanaya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online