Qarax ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho
December 19, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob u dhexeysa Hotelka Maka Al-mukarama iyo Shaleema Soomaaliya qarax lagu soo xiray baabuur qaraxaas oo galaaftay nolosha 3 qof halka qarax ay ku dhaawacmeen ilaa 19 qof oo kale. Khasaaraha ka dhashay Qarax ayaa waxaa ugu badnaa dad rayid ah oo ku sugnaa Carwada al-Kowsar oo ku taala Jidka Makal al-Mukarama oo ah wado aad u mashquul badan.
Qarax dadka dhaawac uu ka soo gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gal-gaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo iyo Taliyaha saldhiga booliska ee degmada Waabari Cali Muuse iyo 4 ka mid ah ilaaladiisa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya guddoomiyihii hore ee Gobolka Gal-gaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo gaarigiisa si toos ah loo bartmaamsaday ka dibna uu soo gaaray dhaawac sahlan.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxa ka dhacay Makal al-Mukarama iyagoo sheegay in ay ku bartilmaamsadeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net