Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugida oo lagu dilay magaalada Muqdisho
December 10, 2015 - Written by EditorMuqdisho:- Waxaa saaka qarax loogu xiray gaarigiisa lagu khaarajiyey Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee Soomaaliya xili uu marayey goob aan ka fogeyn saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Sarkaal qarax lagu dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullaahi waxaan uu u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigisa.
Ma ah markii ugu horaysay oo masuul ka tirsan ciidanka Nabadsugida ama hay’addaha Dowadda Federaaka Soomaaliya qarax loogu xiray baabuurtooda lagu khaarajiyey.
Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladdaa Federalka Soomaaliya iyo weliba masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
A/cawaale
Halgan.net