Sh.Axmed Yusuf Daad oo ka digay Shiicada sheegayna in aysan Hay’addo shiico ah ku arag Qardho.[Dhagayso]

December 27, 2015 - Written by Editor

daadQardho:-Sheekh Axmed Yusuf Daad ayaa waxaa uu ka digay in Madhabka Shiicada lagu faafiyo gudaha Soomaaliya isagoo Sheekhuna uu xusay in culimada Soomaaliya ay arrintaas ay ka digeen loona baahan yahay in dadweynaha Soomaaliyeed iyo Madaxdooduba ay si wada jir ah uga hortagaan.

Sh.Axmed Yusuf Daad ayaa bogaadiyey howl galka ay ciidanka nabadsugida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabqabteen 3 nin oo shiico ah oo lagu qabtay iyagoo faafinayey Madhabka shiicada iyadoona lagu eedeeyey in ay Muqdisho iyo Qardho ay ka wadeen arrinkaas.

Sh.Axmed Yusuf Daad ayaa xusay in deegaanada Puntland aysan ka jirin wax Madhab ah oo shiico oo lagu faafiyo isagoo Sheekhu xusay in ilaa hadda wax muuqda aysan arag goob ama hay’addo shiico ah oo soo galay Puntland ama jooga Qardho.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Shiikh Axmed Yusuf Daad

[audio: http://idilnews.com/wp-content/uploads/2015/12/daad.mp3]

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online