Taliyaha cusub ee Garoonka Diyaaradaha Bosaaso oo maanta xilka la wareegay.[Masawiro/Video]

December 20, 2015 - Written by Editor

4Boosaaso:-Waxaa maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari xaflad xilka loogu wareejinayay taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Garoonka diyaaradaha Boosaaso Aadan Muuse Jaamac .

Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha gobolka Bari, Maareeyaha Garoonka iyo Saraakiisha Taliska ciidanka qeybta ee gobolka Bari , Taliyaha cusub oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax badan uu ka qaban doono amaanka guud ee Garoon ka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaan uu rajo weyn ka muujiyey in loo baahan yahay wada shaqan.

Waxaa kale oo xaflada xil wareejinta ka hadlay Taliska ciidanka Booliiska Gobolka bari Gaanshaanle C/xakiin Yuusuf Xuseen isagoo sheegay in xilka loo dhiibay taliyaha cusub ee garoonka Boosaaso uu yahay xil culus oo loo baahan yahay in taliyaha cusub xilkiisa ka soo baxo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo oo isagana ka hadlay xaflada xil wareejinta ayaa sheegay in taliyaha cusub lala shaqeeyo laguna dadaalo in amaanka la adkeeyo laguna dadaalo in loo shaqeeyo bushada Soomaaliyeed maadama hadda garoonka Boosaaso uu noqnayo mid caalami ah dhawaan la furi doono.

Taliska guud ee ciidanka Gobolka Bari ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qaabka uu u shaqaynayo garoonka Boosaaso iyo habka ay u shaqaynayo ilaalada Garoonka magaalada Boosaaso iyo heerka uu marayo dhisamaha garoonka Boosaaso.

no images were found

Hoos ka Daawo xafladii xil wareejinta ee Taliyaha cusub ee Garoonka Diyaaradaha Bossaso oo maanta xilka la wareegay

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online