Tusaalaha Wanaagsan ee Zaynab Sh Yusuf Haybe ee magaalada laascaanood.[Video]

December 27, 2015 - Written by Editor

tusaaleLaascaanood:-Zaynaab Sh Yusuf Haybe waa mid ka mida hablaha dhalinyarada ah ee ku dayashada mudan ee ku dhaqan magaalada Laascaanood. Zaynab Sh Yuusu Haybe waxay dhamaysay dugsiga Tababarka Caafimaadka ee gobolka Sool 2008. Sidoo kale waxay Jaamacadda Nugaaal University ka dhamaysay sanadkii 2015 labo Kuliyadood oo kala ah Kuliyada Caafimaadka iyo kulliyada Horumarinta iyo Hogaanka , iyada iyo 6 hablood oo la ayni ah oo ay wada dhameeyeen Jaamacada iyo goobohii waxbarsho waxay Laascaanood ka fureen xarrunta lagu daaweeyeeo hooyada iyo Dhallaanka , oo hada si wanaagsan uga shaqeeya Laascaanood.

Waxay shaqo abuur u samayeeyeen iyada iyo asxaabteeda naftooda iyo hablo badan oo wax ku bartay gudaha magaalada Laascaanood , Zaynab waxaa intaa u dheer inay ka tirsan tahay qaarna ay hoganka u hayso Urururo badan oo ka shaqeeya horumrinta gobolka Soo , imika waxay ka shaqo gashaa goobo ay ka mid yihiin Cusbitaaalka guud ee gobolka si bilaasha ah oo ay sanadadii ugu danbeeyey ay uga shaqaynaysay ,waxaa u dheer iyada oo bare ka ah macahadka Tababarka caafimaadka ee gobolka (Sool Institute for Health of Science).

Waxay Zaynab hormuud u tahay Ururada la dagaallanka Qabyaalada Tahriibka iyo dib socodka , iyada oo tustay dhalinyaro farabadan dawga Toosan (wadada Toosan ). Haddaba Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo ay Zaynab Sh Yuusuf Haybe ay siisay TV Somali News ayey kaga hadashay qodobadann :-

1. Qofku kasta gaar ahaan dhallinyarada g Sool inuu deegaankiisa ka baran karo cilmi walba oo uu baahdo xilligan maanta la joogo Tusaale ay iyadu tahay ,
2. Waayihii ugu xuma ee ay Laascaanood Soo martay , dhanka nolosha , Waxbarashada , caafimaadka iwm.

3. Laascanood oo ah magaalo nasiib wanaagsan , marna nasiib xun iyo sababta oo ay sheegtay ?!

4. Fikirka ka jira gobolka iyo guud ahaan qurba joogta gobolka kaasoo odhonaya in Laascaanood waa la haystaa ee Wax tallaabo horumarineed ah laga samayn karo .
5. In laga Saaro Siyaasada iyo horumarka gobolka.

6. Hablaha gobolka Sool iyo doorkooda ay maanta ka taagan yihiin , xaga waxbarashada , Guurka , Shaqada bulshada iwm.

Sidoo kale Zaynab ayaa warasyigan xogta badan xambaarsan ay ku sheegtay in ay u taagan tahay in gobolka Sool sidii uga dhigi lahayd gobolka Ugu horumarsan dhinac walba guud ahaan qaarada Africa. Ugu danbayntii , Waxaa meesha ka muuqda in Zaynab ay waalidkeed ku soo tabceen oo ay wax soo bareen , waaldiiinta kale ee aan ubadkooda ku soo tabcin dhinaca waxbarashadan ay tusaale u tahay. Haddab qofka noocaa ah bulshada muxuu ka mudan yahay ?

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Waraysiga Zaynaab Sh Yusuf Haybe

Mawliid Ismail Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online