Ururka Daacish oo baahiyey muuqaalo ay ku sheegteen in Shabaab hor leh ku biireen ?.[Daawo Video]

December 8, 2015 - Written by Editor

CTSENemVEAAElubWaxaa lagu faafiyey baraha Internetka Muuqaalo lagu sheegayo in xubno ka tirsan Al-shabaab oo hor leh in ay ku biireen ururka Daacish oo uu horay ugu biireen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo uu hogaamiyo Sh Cabdulqaadir Muumin oo saldhig ku leh Buuraha Golis.

Muuqaalkaan cusub ayaa waxaa ka soo muuqday Abu Nucmaan Al Yantaani oo sheegay in ay ku biireen ururka Daacish ka dib markii ay ogaadeen in hogaamiyaha ururkaas  Daacish Abu Bakar Baqdaadi uu buuxiyey shuruudihii laga rabay Imaamnimada sidaas darteedna loo baahan yahay in meesha ay ka baxdo koox kooxaysiga.

Muuqaalkaan cusub  ayaa waxaa ka muuqda dhalinyaro iyo odayaal dhowr ah oo sheegay in ay balan ama bayco ay la galeen ururka Daacish waxaan ay ugu baaqeen dhalinyarada ku jirta kooxaha  oo ay ula jeedaan ururka Al-shabaab in ay iskaga baxaan mar haddii la hellay Khilaafo Islaami ah waa sidda ay hadalkooda u dhigeene.

Qaar ka mid ah saxaafadda reer galbeedka ayaa waxaa ay qoreen Abuu Nucmaan, Maxamed Makawi Ibraahim iyo xubno ku biiray kooxda Daacish in ay khaariji Aminyaadka Al-shabaab ka dib iska horimaad ku dhexmaray deegaanka Saakow ee Jubadda Hoose.

Xubnaha ku dhintay iska horimaadka dhexmaray xubno horay uga tirsanaa Al-shabaab kuna biiray Daacish ayaa waxaa ku jira Maxamed Makawi Ibraahim oo ahaa muwaadin ka soo jeeda dalka Sudan ayaa waxaa dowladda Maraykanka ay madaxiisa dul dhigtay lacag fara badan oo gaaraysa ilaa $5 Million.

Maxamed Makawi Ibraahim ayaa dowaldda Sudan waxaa ay ku eedaysay in uu qayb ka ahaa dil loogeysay muwaadin Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray John Granville iyo darawal kiisa Abdelrahman Abbas Rahama oo lagu dilay Sudan

Hoose Ka Daawo Muuqaal cusub oo Ururka Daacish ay ku sheegteen in Shabaab hor leh ku biireen


Dhanka kale Muuqaal noocaan oo kale ah ayaa  bilihi la soo dhaafay muran iyo dood badan ka dhex dhaliyey taageerayaasha ururka Daacish iyo kuwa Al-shabaab ee Al-qaacid waxaan doodu ay ka dhalatay Muuqaalka ka dib markii taageerayaasha Al-shabaab ee Al-qaacid ay ku eedeeyeen ururka Daaicsh in Muuqaal fariineedkaan u adeegsaday muuqaalo ay horay u soo saartay ama u baahisay Mu’ssadda Ka’taabi oo ah warbaahinta ku hadasha Af-ka ururka Al-shabaab ka dibna taageerayaasha Daacish ay u  isticmaaleen fariin ah in Al-shabaab saddex meelood oo meel ay ku biireen Ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Muuqaalka bilihii hore lagu faafiyey baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ayaa waxaa ka muuqday dhalinyaro sheegay in ay balan la galeen hogaamiyaha ururka Daacish balse arrinkaas ayaa waxaa ku jira shaki badan iyo dood waxaan la filayaa in muuqaalka iyo codka la isku rakibay oo aysan is lahayn waa sidda ay ku doodayaan taageerayaasha Al-shabaab ee Al-qaacida halka kuwa Daacish taageersan ay aad ugu baahinayaan fariin muuqaaleedkaan baraha bulshadu ku sheekeysato ee loo yaqaan Twitterka.

Baraha internetka ee taageera ururka Daacish ayaa baahiyey maalmihii la soo dhaafay muuqaalo kale duwan oo laga soo duubay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugan dalalka Ciraaq, Suuriya , Siinaa [Masar] , Libiya, Yeman kuwaas oo fariin loogu dirayo hogaanka Al-shabaab in ay ku soo biiraan ururka Daacish oo iyagu isku magacaabay in ay yihiin Khilaafo Islaami ah.

Kooxda Daacish ayaa waxaa aad u naqdiyey rag badan oo lagu tilmaami jiray in ay yihiin Munadiriinta ururka Al-qaacid waxaan ay ka qoreen Kitaabo dhowr ah iyagoo si cad u sheegay in aysan waxba ka jirin Khilaafada Islaamka oo ay ururka Daacish sheegteen.

Ragga aadka uga digay ama ka qoray Kitaabada ama bixiyey waraysiyo Maqal iyo Muuqaal ah ayaa waxaa ka xusi karnaa:-

1. Sh Maxamed Maqdasi

2.Sh.Abu Qataada Falastiini

3.Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus

4.Sh Abu Munrir Shanqiidi

5. Abu Xafsa Al-Muritaani Muftigii Al-qacida

Warbaahinta kala duwan ee Soomaalida gaar ahaan Idaacadda VOA ayaa dhowr jeer sheegtay in ciidamo ka kala tirsan Amniyaad ka Al-shabaab ee Al-qacid iyo ciidamo daacad u ah Daacish uu dagaal ku dhexmaray nawaaxiga degmada Saakow ee gobalka Jubada Dhexe.

Waxaa kale oo wararka noocaan oo kale baahiyey qaar ka mid ah Idaacadda ka howl gala magaalada Muqdisho walow aysan sheegin xogta dagaalkaan cid ay ka soo xigteen marka laga reebo in ay yiraaheed dadka deegaanka baa noo sheegay jiritaanka dagaalka.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa waxaa ay is wiidiinayaan wax isku beegay khudbadii uu Ra’iisu wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid uu ka jeediyey Un-ka oo uu ku sheegay in caalamka aysan aqbalin in kooxda Al-shabaab ay ku biraan Daacish  iyo in warbaahintaa Daacish  iyo madaxdooda ku sugan dalalka Ciraaq iyo Syria bilaabeen in ay xoogga saaraan siddii ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ugu biiri lahaayeen kooxda Daacish . ?

Hoos  ka eeg Masawirada ay taageerayaasha Kooxda Daacish ama ISS  ku faafiyeen baraha Internetka ee bulshadu ku wada hadasho

no images were found

.

Afhayeenka Al-shabaab Sh Cali Raag ayaa maalmo ka hor ka digay in gudaha Al-shabaab laga dhex abuuro khilaaf isagoona ku goodiyey in hogaanka Al-shabaab ay taalaabo ka qaadi doona cid walba oo ka shaqaysa khilaaf iyo bur burka ururka dhexdiisa ah ama xagal daacisa dagaalka ay kula jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka ururka Al-shabaab oo ku aadan Muuqaalada iyo fariimaha ururka Daacish uu ugu baaqayo Al-shabaab in ay ku soo biiraan Daacish kana tanaasulaan balanta ay kula jiraan ururka Al-Qaacida

Hoose Ka Dawo Muuqaal hore oo Ururka Daacish ay ku sheegteen in Shabaab hor leh ku biireen

C/casiis Mohamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online