Wafdi ka socda Midowga Yurub oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo
December 1, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa soo gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, wafdiga ayaa waxaa horkacayey Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele CervoneD’Urso. Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa la sheegayaa in ay doonayaan in ay ku biiraan Wufuuda kala duwan ee u sugan Gaakacyo si xal ooga gaaro colaada ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo sababtay in dad badan oo rayid ah ay ka qaxaan guryahoodii.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa horay ugu sugnaa wufuud ka kala socda Dowladda Federaalka, Puntland, Gal-Mudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed Madax dhaqameed iyo culimo’udiin kuwaas oo dhamaantood wada dadaalo nabadeed.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegay in horumar dhnac nabadaynta ay jirto waxaan la rejaynayaa in guul laga gaaro in colaad la soo afjaro, culimo’udiinka Soomaaiyed ayaa wada dadaal ah in beelaha Soomaaliyeed ee wada degan Gobolka Mudug aan dib looga dhex hurin dagaal dano gaar ah ay ka leeyihiin Madaxda Soomaalida qaarkood oo iyagu u daaban dowladdaha dariska la ah Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga ee AMISOM.
M_M_Deeq
Halgan.net