Wasiirka arrimaha gudaha DFS oo gaaray magaalada Jowhar
December 28, 2015 - Written by EditorWafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shir Maamul loogu sameynayo gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Diyaarad kuwa Qumaatiga u kac oo ay leeyihiin UN-ka ayaa wafdiga wasiirka waxaa ay ku dajisay garoonka diyaaradaha Jowhar, waxaana soo dhoweeyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada iyo dadweyne kale .
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa ay kormeeri doonaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaana ka socda magaalada Jowhar diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka Maamul usameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe .
no images were found
Waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe waxaana ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaalada Jowhar.
A/Cawale
Halgan.net