Xaalada Gaalkacyo oo degan iyo Ciidamada oo la bilaabay in la kala qaado[Masawiro]

December 4, 2015 - Written by Editor

12342858_536199646548261_7029102213281520708_nGaalkacyo:-Wararkii ugu danbeeyay ee Saaka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka xaalku degan yahay waxaana lagu wadaa in la kala qaado ciidamada is horfadhiya.

Waxagaradka ,Nabadoonada ,culumaudiinka iyo madaxada DFS ayaa dadaal ku bixiyey in la joojiyo dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo waqooyi iyo Koonfur ayaa saaka ku soo kacay nabad iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale lagu duldagaalamo.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo Xalay kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo waxaana ay soo kormereen goobihii lagu dagaalamay iyaga oo amar ku siiyey saraakiisha ciidanka labada dhinac in aysan xabad danbe ridi karin

Xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa ah mid xasiloon saaka waxaana dadaal wada saraakiisha ciidamada Galmudug iyo Puntland  oo ku mashquulsan kala qaadida labada ciidan.

no images were found

Dhinca kale waxaa magaalada ka socday kulamo goos goos ah oo ay culimadu la yeelanayeen guddigii nabad raadinta colaada Gaalkacyo, waxaan kulanka wacdi iyo waano ah ka jeediyey Sh.Dr. Axmed Imaam oo ka mid ah culimada dalka ee caanka ah, saldhigiisuna yahay Muqdisho.

Sheekh Axmed Imaam oo isaga iyo culimo kale Garowe u yimaadeen cilmibaaris diini ah oo dhaqaalaha islaamka ku saabsan, ka dibna wafdiga culimada kala qaybgalay wacdiga iyo wacyigalinta bulshada.

Sheekh C/naasir X. Axmed ayaa isna odayaasha u jeediyey kalimad isugu jirta wacyigalin , xilsaarid iyo dhiirrigalin. Ka dib Sheekh Maxamud X. Yusuf ayaa guddiga uga waramay wixii u qabsoomay tan iyo markii dagaalku qarxay.

Intii ay culimadu ka wadeen magaalada Gaalkacy nabadaynta ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen Amiir Maxamud iyo Imaam C/wahaab Gurey waxaan ay culimadu kala hadleen xilka ka saaran ilaalinta dhiigga ummadda iyo walaalaynta bulshada, fadliga heshiisiinta iwm.

Culimadu waxay si gaar ah xoog u saarayeen kulamada hoggaanka bulshada , waxayna saaka la balansanyihiin odayaal samajecle ah oo ku hawlanaa daminta colaada.

no images were found

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online