Ciidamo ka tirsan S/land oo ku duulay deegaanka Ballicad oo xarun KMG u ahayd maamulka Khaatumo
January 14, 2016 - Written by EditorBuuhoodle:-Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay qabsadeen tuulada Balli-cad oo qiyaastii dhanka koonfur galbeed 80 KM uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ciidanka maamulka Somaliland ayaa u jeedka weerarka uu ku qabsaday Tuulada Balli-cad waxaa lagu sheegay in ay ka hortagaan shir halkaas uga furmi lahaa waxgaradka ka so jeeda Goboka Sool iyo Cayn uuna shir gudoomin lahaa Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr.
Deegaanka Ballicad ayaa bilihi la soo dhaafay waxaa ay xarun u ahaynd maamulka Khaatumo waxaan halka loo maro Buuhoodle marka laga imaanayo Saax-dheer, waxaana ay hoostagtaa degmada Buuhoodle.
Wararku waxay sheegayaan in siyaasyiintii maamulka Khaatumo ay ka baxeen deegaanka Balli Cad inta aysan soo gaarin Ciidanka S/land waxaana ay hadda ku sugan yihiin Tuulada Bookh oo ka tirsan Doollo ee dowladda deegaanka Soomaaliya.
Ma ah markii ugu horaysay oo ay ciidamo ka tirsan maamuka S/land ay ku duulaan fariisamo ay leeyihiin maamulka Khaatumo ee uu madaxweynaha a yahay Prof. Cali Khaliif Galayr.
M_M_Deeq
Halgan.net