Ciidanka Kenya oo ka baxay Buulo Gaduud iyo Al-Shabaab oo dib u qabsaday
January 28, 2016 - Written by EditorKismaayo:-War goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka J/hoose , ayaa sheegaaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay ka baxeen deegaanka Buulo Gaduud 30km kaga beegan dhanka waqooyi magaalada Kismaayo.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay dib ugu soo gurteen magaalada Kismaayo waxaana ay soo baneeyeen Saldhigii 3aad iyaga oo horey uga baxay deegaano ka tirsan gobalka Gedo iyo J/dhexe sida Ceelcade iyo Badhaadhe.
Ciidamada Kenya ayaa bilaabay in ay dib uga gurtaan deegaano ay horey ugu sugnaayeen ka dib markii khasaaro xoog leh loogu geystay Deegaan Ceelcade loogana dilay 100 askari.
Wararka ugu danbeyey ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Buulo Gaduud.
Cabdi Yare
Kismaayo