Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiriirka u jartay dowadda Iran.
January 7, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-iyadoo la fulinayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho, waxa ayna gudoonsiisay go’aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.
Talaabadan ayaa timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Iran inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed. Halkaan ka eeg warsaxaafadeedka
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO
DHIIRIGELINTA MAALGASHIGA
جمهورية الصومال الفيدرالية
وزارة الشؤون الخارجية
وتشجيع الإستثمار
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
Ministry of Foreign Affairs & Investment Promotion
Date: 07/01/2016