Dowladda Jabuuti Oo Xiriirka U Jartay Iran (Dhageyso)

January 6, 2016 - Written by Editor

1Jabuuti:-Dalka Jabuuti ayaa maanta sheegay inuu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, kadib weerarkii dhowaan dad carreysan ay ku qaadeen safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tehran.

Go’aankan oo lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay VOA.

Jabuuti ayaa waxaa xiriir aad u wanaagsan oo qoto dheer uu kala dhaxeeyaa Saudi Arabia.

Go’aanka Jabuuti, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iran xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.

Xuseen Barre Aadan ayaa faahfaahinta warkan ka waraystay weriyahayaga Ramadaan Muuse oo la xiriiray mas’uuliyiinta dawladda Jabuuti.

Jabuuti oo xiriirka u jartay Iran

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online