Dowro cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Al-minhaaj iyo JBA oo lagu qabtay Jaamacadda Baria Afrika ee Boosaaso.[Masawiro]

January 19, 2016 - Written by Editor

20160117_092910Boosaaso:-Maalintii labaad oo xiriir ah ayaa Dowro Cilmiyeed loogu Magacdaray “(ملتقى الإرشاد الدعوي والتثقيفي”) Waxay kasocota Hoolka Jaamacadda bariga Africa. Maalintii Axadda ee ku beegnayd 17/01/2016 ayaa waxaa ka bilowday hoolka Jaamacadda Bariga Afrika Nadwadaas oo ay fulinteeda lahayd Mu’asada Minhaaj Faraceeda Gobolka Bari oo kaashanaysa Jaamacadda Bari Afrika .

Ugu horayn munaasabada furitaanka Dowradda oo lagu Casumay Marti sharaf iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa waxa lagu furay Quranka Kariimka ah. Quraanka ka dib ayaa waxa Minbarka Lagu soo dhoweeyey Gudoomiyaha arimaha Ardada ahna Gudoomiyaha dallada ahliga ah ee pen Sh. Maxamed Faahiye Ciisa si uu ardada ugu soo dhoweeyo Hoolka Jaamacada Bariga Afrika oo Dowrada lagu Qabanayey Ardaduna Marti u ahayd.

Ustaad Maxamed Faahiye Ciise ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey ardada Schoolada kala duwan ka socotay ee Dowrada ka Qaybqadanayey. Sh. C/raxmaan maxamed (Bukhaari oo kalmad iskugu jirta Dardaaran iyo Wanaano kasoo jeediyey munaasabada furitaanka dowrada ayaa kulada dardaarmay ardayda in ay cabsida allaah ku dadaalaan fuliyaana waajibaadka alle saaray kuna cilmigana ay barteena.

Intaas ka dib ayaa hadalka waxaa qaatay Gudoomiyaha Mu’assada Al-minhaaj Faraca Gobolka Bari Xassan C/laahi Sh.Xassan waxa uuna ka warbixiyey u jeedka Dowrada laga leeyahay, ahmiyadeeda iyo Schoolada Looqabtay.. waxaa uuna tilmaamay in ujeedooyinka laga lahaa dowradaani ay ka mid yihiin:-

1. In kor loo qaadado ardayda wacyigoodka iyo garaadkooda.

2. In ardayda laga wacgi galiyo khataraha ku wajahan sida qabyaalada,tahriibka iwm.

3. In lasoo saaro awoodaha iyo kartida ku jirta ardayda .

Gudoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa carrabaabay in 350 arday oo ka kala socda 16 iskuul iyo machad ay Dowradan ka faa’iidaysanayan .Dowradan oo nooceeda oo kale aan horey Looqaban ayaa waxaa Dhalinyarada iyo Martisharafta kale ka muuqanayey Wajiyaashooda Farxad iyo rayrayn balaaran. Qaar ka mid ah ardada ka socotay Dugsiyada kala duwan ayaa cabiray aragtidooda ku aadan dowradan looqabtay oo ay nasiibka u yeesheen iney ka qaybqataan .

Cali Cabdow qaasim Maamulaha Schoolka Bander Qaasim oo ku hadlayey Afka Maamulayaasha Dugsiyada sare ee Magaalada Boosaso ayaa ka hadlay Muhiimadda ay u leedahay Dowradani Horamarinta Dhalinta. Waxa uuna aad ugu Bogaadiyey a Mu’asada Minhaaj Faraceeda Gobolka Bari Sida Wanagsan oo ay Uga qaybqadanayso Arimaha Bulshada iyo Horamarinta Dhalinyada.

Si kastaba ha ahaatee Dowrada oo Socontoonta Shan 5 maalmood ayaa Waxa lagu Bixindoona Casharo kala duwan oo ay Ardayda Siinayaan culimo iyo Digtooro kala duwan oo intooda badani maamul iyo barayaalk ka yihiin Jaamacada Bariga Africa. Culimada Bixinaysa Dowrada Waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Macalin Axmed
Dr. Bashiir Warsame Maxamed Camiidka Daraasaadka sare iyo Cilmi Baarista Maxmed Jaamacadda Bariga Afrika Dr.Maxamud sh. Cusman . Sh. Fu’aad Xaaji Nuur Ustad Sh. Maxamed Faahiye Ciise Ustad Sh. Maxamed Maxamuud Ciise iyo Culima Badan oo kale.

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online