Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS oo Khudbad ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka ee Baqdaad.[Masawiro]

January 24, 2016 - Written by Editor

Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (1)Baqdaad:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay Soomaaliya uga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirkaasi.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Ciraaq waxaana isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq khudbado ay shirka ka jeediyeen wadajir ugu soo dhaweeyeen wufuudda ka socota dalalka Iskaashiga Islaamka Baqdaad iyo guud ahaanba dalka ciraaq ayagoo sidoo kalena ka hadlay muhiimadda ay dowladda Ciraaq u leedahay marti gelinta shirkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey shirka ay u mahad celiyey dowladda iyo shacabka Ciraaq sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaana dhanka kale uu khudbaddiisa oo aheyd af Carabi uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda ay oo ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PIUC ayaa soo gebageboobi doona maalinnimada khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25ka January ayadoo gebagebadiisana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii shirka looga hadlay.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online