Guddoomiyaha Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo oo la Dhaawacay.[Dhagayso]

January 27, 2016 - Written by Editor

Guddoomiyaha Degamada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo Cabdi Cali Cabdi Qoorleex ayaa ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaari uu saaraa oo marayay meel ku dhow deegaanka Likooleey. Gudoomiyaha ayaa la socday ciidamada Kenya ee shalay ka guuray saldhigoodii Ceel-Cade ee dhawaan ay ku weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Axmed Buulle Maxamed oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa Idaacadda VOA u xaqiijiyey in guddoomiyaha Ceel-Cadde uu labada lug ka dhaawac may. Ciidamada Kenya ee guddoomiyaha uu la socday ayaa waxaa sidoo kale lagu qaaday dagaal jidgal ah oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lug lahaayeen, xilli ay marayaan deegaanka Likooleey oo 40 KM u jira deegaanka Ceel-Cadde. Dhinaca kale, ciidamadii shalay dagaal xooggan la galay maleeshiyada Al-Shabaab oo jidka u galay ayaa maanta gaaray deegaanka Dhamase.

Hoos ka Dhagayso warbixinta Guddoomiyaha Ceel-Cadde oo la dhaawacay waxaa Kismaayo ka  soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online