Islaan Bashiir Islaan Abdulle oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ugaas Cabdirixman Ugaas Khaliif
January 3, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:-Islaan Bashiir Islaan Abdille oo ka md ah Issimada soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyey geeridii maanta ku timid Ugaas Cabdirixman Ugaas Khaliif, oo ahaa Issim weyn oo laga yaqaan Soomaaliya kuna geeriyoday magaaada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan. Islaan Bashiir Islaan Abdulle ayaa yiri ” Waxaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan uga tacsiyaynayaa geeridii ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Cabdirixman Ugaas Khaliif, Ilaaahay ha u naxariisto Ugaaska, deegaaankii uu ka talinayay iyo ehelkiisiiba samir Allaha ka siiyo iyo cawil khayr.
Islaan Bashiir Islaan Abdulle