Madaxwayneynihii hore Puntland C/raxman Farole iyo safiirka Talyaaniga oo ku kulmay Boosaaso.[Cod/Masawiro]
January 7, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwayneynihii hore Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa magalada Bosaso kula kulmay galabta Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Michele Fabrezio iyo sarakiil ka socotay hay’adda UNOPS.
Wafdigan ayaa madaxweynihii hore booqasho ugu tagay waxayna ka wada hadleen xaaladda Somalia iyo mashaariicda ugu deeqaan Somalia gaar ahaan Puntland.Madaxweynihii hore Puntland Dr. Farole oo shirka kadib kawarbixiyay waxyaabaha kawada hadleen ayaa sheegay inay ugu yimaadeen booqasho iyo kala warqaadasho, wuxuuna tilmaamay in Talyaanigu taageero weyn siiyo Somalia khaas ahaan Puntland.
Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqday dhaqaalaha dhismaha Garoonka Bossaso, waxana ay soo marsiisey xafiiska Qaramada Midoobay u qaanilsan Fulinta mashaariicda Mas’uuliyiintan ayaa Bosaso u tagay kaqayb galka daahfurka garoonka diyaarahada Bosaso kaaso loo madlanyahay barri 08 January.
Source: Garooweonline