Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Waftigiisii oo si weyn loogu soo dhoweeyey Boosaaso.[Masawiro]

January 28, 2016 - Written by Editor

IMG_0819Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii Ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ee Puntland uga qayb gelay shirkii Madasha wadatashiga qaran ayaan maanta 28-Jan-2016 si’aan loo kala harin loogu dhoweeyey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa magaalada Boosaaso siweyn ugu soo dhoweeyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Wasiiro, Xidhibaano, Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso iyo boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo lulayey calanka Puntland kuna labisnaa astaanta hiddaha iyo dhaqanka iyo dhar laga tolay calanka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa markii uu kasoo degey Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Puntland kadibna waxaa uu mid-mid u gacan qaaday kumannaankii dadweynaha ahaa ee garoonka u taagnaa soo dhoweynta Madaxweynaha iyo waftigiisa.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu warfidiyeenada kula hadlay qolka nasashada ee garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso, isagoona ugu horayn uga mahadceliyey boqollaalkii qof ee sida weyn ugu soo dhoweyey magaalad Boosaaso, kuwaas oo muujinayey taageerada ay u hayaan dawladdooda iyo Madaxdooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ka war-bixiyey waxyaabihii ay kala kulmeen shirarkii ay kaga qayb galeen magaalada Muqdisho iyo mawqifka Puntland ka istaagtey go’aankii ay gaadhey dawladda federaalka soomaaliya ee la-xiriirey geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirkii wadatashigu uu noqon waayo mid mira-dhal ah ay sababtiisa lahayd dawladda federaalku maadaama oo ay madashii keentay wax baal marsan xal u raadintii geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay geeyeen madashii shirka aragtidii shacabka Puntland ee ku saabsanayd helitaanka dawladnimo soomaaliyeed oo ku timaadda metelaad shacbi oo dhab ah.

Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay go’aanka Puntland ee ah in aanay Puntland aqbalayn wax aan u cuntamayn shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba, isla markaana ay taladii u soo celiyeen shacabka Puntland si’ay go’aan uga gaadhaan aaya ka-talinta masiirkooda.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online