Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ku timi Wasiiru-dawlihii Caafimaadka Puntland
January 3, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Golayaasha Dawladda Puntland ka tacsiyeeyey geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Col. C/laahi Jaamac Cali oo ku geeriyoodey magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa isagoo kujira shirweynihii La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda waxaa uu Marxuumka eebbe uga baryey in uu Jannada Fidowsa ka-waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntalnd ayaa kasoo qayb galayaasha shirka xasuusiyey inay faataxada u soo maraan Marxuumka in ilaahay su’aasha u fududeeyo kitaabkiisana uu midigta uga dhiibo.
—DHAMMAAD—