Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh /Dhexe
January 12, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe halkaas oo lagu wado in uu ka furmo Shirka Maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Sh Dhexe.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku whelinaya Wasiirka arrimaha gudaha, Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Guuleed Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Luga dheere. ,Wasiiro ka tirsan DFS iyo Xildhibaano.
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar madaxada gobalada Sh /dhexe iyo Hiiraan iyo dadweyne tiro badan .
Madaxweynaha DFS ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka DFS waxaana sidoo kale ciyaaro kale duwan ku soo kooxda Barbaarta Gaashaaman.
Madaxweynaha ayaa furi doona Shir Maamul gobaleed loogu sameynayo labada gobal ee Hiiraan iyo Sh /dhexe waloow ay jiraan cabashooyin ka soo yeeraya qaar ka mid ah beelaha dega gobalada Hiiraan iyo Sh /dhexe.
A/Cawale
Halgan.net